
GUDOOMIYAHA HA'YADDA NADFOR MUDANE ABDIRAXMAN ISMAACIIL MAXAMUD (DIXOOD) OO DAAHFURAY WEJIGII AFARAAD OO GARGAAR AH OO LOO KALLA DIRAY GOBOLADDA SAAXIL IYO TOGDHEER
Hargeysa – Guddoomiyaha Hay’adda NADFOR, Mudane Abdiraxmaan Ismaaciil Maxamuud (Dixood), ayaa si rasmi ah u daahfuray deeq raashin ah oo loo kala diray gobollada Saaxil iyo Togdheer, si loo taageero qoysaska danyarta ah iyo kuwa ay saameeyeen xaaladaha adag ee nololeed.
Munaasabadda daahfurka oo ka dhacday xarunta hay’adda, ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan, shaqaalaha NADFOR iyo marti sharaf kale. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in deeqdan ay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee hay’addu ugu jirto gurmadka iyo samafalka bulshada nugul.
“Waxaan ka go’an tahay inaan garab istaagno shacabka u baahan gargaarka, gaar ahaan xilliyada adag. Deeqdan raashinka ah waxay si toos ah u gaadhi doontaa qoysaska ugu baahida badan ee ku nool gobollada Saaxil iyo Togdheer,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Sidoo kale, waxa uu xusay in hay’addu sii wadi doonto fulinta barnaamijyada gargaarka bani’aadantinimo, isaga oo ugu baaqay hay’adaha kale iyo bulshada inteeda kale in ay xoojiyaan iskaashiga iyo taageerada dadka tabaalaysan.
