Daahfurka Qaybinta Raashinka Gobolka Sanaag iyo Degmadda Qori-Lugud

16. March,2026.Hay’adda National Disaster Preparedness and Food Reserve Authority ayaa si rasmi ah u daahfurtay qaybinta raashin gargaar ah oo loogu talagalay bulshada ku dhaqan Gobolka Sanaag iyo degmadda Qori-Lugud.

Barnaamijkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagaga hortagayo saameynta abaarta iyo xaaladaha nololeed ee adag ee ka jira deegaannadaas. Ujeeddadiisu waa in la gaadho qoysaska nugul, gaar ahaan kuwa ay saameeyeen biyo-yaraan, cunto yari iyo isbedelka cimilada.

Munaasabadda daahfurka waxa ka qayb galay isuduwuwayaasha iyo masuuliyiin kalle oo  ka tirsan hay’adda NADFOR, maamulka gobolka iyo kan degmadda, kuwaas oo si wadajir ah u muujiyay muhiimadda ay leedahay gurmad degdeg ah iyo isku-duwidda dadaallada samatabixinta.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in raashinkan uu qayb ka yahay qorshe ballaadhan oo lagu xoojinayo badbaadada cuntada iyo u diyaargarowga aafooyinka, iyagoo bulshada ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan si hufan oo cadaalad ah.

Ugu dambayn, hay’addu waxay xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada ay siinayso bulshada ay abaartu saamaysay, isla markaana ay ka shaqayn doonto xalal waara oo lagaga hortagayo xaaladaha la midka ah mustaqbalka.