SHIRKA ISKAASHIGA BINIAADANTINIMO MAANTA KA FURMAY HOOLKA SHIRARKA EE NADFOR

Hargeisa, 30 March 2026 – Maanta waxaa hoolka shirarka ee NADFOR ka dhacay Shirka Daneeyaasha Bini’aadantinimo ee Somaliland, kaas oo looga hadlay xaaladda roobabka, gargaarka bini’aadantinimo, iyo iskaashiga hay’adaha kala duwan.

Shirka waxaa furay Guddoomiyaha Xigeenka NADFOR, Mr. Abdirahman Mahmoud (Xandule), oo soo dhaweeyey ka qeybgalayaasha, kuna tilmaamay muhiimadda ay NADFOR leedahay diyaar-garowga iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee bini’aadantinimo. Waxa uu sidoo kale ka bixiyey aragti guud oo ku saabsan doorka hay’adda ee ka hortagga iyo maaraynta dhibaatooyinka.

Intii uu shirka socday, waxaa warbixin ka bixiyey daneeyayaasha ka soo qaybgalay, oo ay ku jiraan hay’ado caalami ah sida OCHA, FAO, SWALIM, WHO, iyo sidoo kale Wasaaradda Horumarinta Beeraha iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. Agaasimaha Waaxda Gargaarka iyo Xidhiidhka Islaamiga ee NADFOR ayaa sheegay in hay’addu gaarsiisay gargaarka 10,100 qoys oo danyarta ah gobollada kala duwan ee Somaliland:

  • Awdal: 3,900 qoys
  • Salel: 1,200 qoys
  • Togdheer: 2,500 qoys
  • Badhan & Dhahar: 2,500 qoys

Shirka sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay dayactirka ceelasha biyaha ee gobollada bari, gaar ahaan Ina Cunaaye iyo Dhagax-Dheer ee Togdheer, si loo xoojiyo helitaanka biyo nadiif ah.

Agaasimaha Waaxda Diyaar-garowga iyo Digniinta Hore ee NADFOR ayaa warbixin ka bixiyey roobabka Gu iyo xaaladda abaaraha, isagoo sheegay in 84% dalka uu helay roob wanaagsan. Sidoo kale, madaxda kale ee NADFOR waxay ka warbixiyeen xaaladda bini’aadantinimo, habsami u socodka isku-duwidda degdegga ah, iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha.

Shirku wuxuu ku soo gebogeboobay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga, dardargelinta howlaha degdegga ah, iyo diyaar-garowga musiibooyinka mustaqbalka.