DAAHFURKA DEEQ RAASHIN AH OO LOO KALLA DIRAY GOBOLADDA SOOL IYO SANAAG EE BARIGA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

28-Febraury-2026
Gudoomiyaha haayadda u diyaar garawga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Jsl, Mudane cabdiraxman maxamed ismaaciil(Dixood) iyo Gudoomiye xigeenka nadfor mudane cabdiraxman maxamud (xandule) ayaa si rasmi u daahfuray deeq raashin ah oo loo kalla diray goboladda sool iyo sanaag. 

deeqdan waxa bixisay king salman humantarian aid and relief center, iyadoo kaashanaysa haayadda nadfor kana wakiil ah  boqortooyadda sucuudi carabiya, si loogu taageero qoysaska aabaruhu sameyeen. 

Gudoomiyaha iyo gudoomiye xigeenku waxay u mahad celiyeen boqortooyadda sucuudiga, gaar ahaana haayadda king salman, iyaga oo ku amaanay kaalintooda muuqata ee gargaarka biniaadantinimo 

masuuliyiintu waxay sheegeen in deeqdani kaalin muhiim ah qaadaan doonto yaraynta baahiyaha degdega ah ee goboladda bariga jamhuuriyadda somaliland ka jira gaar ahaana xiligan abaaruhu jiraan.