Daahfurka Xarun Cusub oo Saadka ah oo laga Hirgeliyey Magaalada Berbera

Guddoomiyaha Hay’adda Udiyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka,
Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood), Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi, iyo Saraakiil sarsare oo ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ayaa si wadajir ah xadhigga uga jaray xarun cusub oo Saadka ah oo laga hirgeliyey magaalada Berbera.

Xaruntan ayaa loogu talagalay in lagu dedejiyo gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee degdegga ah, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo wax-ka-qabashada xaaladaha degdegga ah ee ay keento abaarta, colaadaha ama aafooyinka kale ee dabiiciga ah.

Waxaa la rajeynayaa in xaruntani ay si weyn u yareyn doonto baahiyaha bini’aadantinimo ee degdegga ah, iyadoo sare u qaadaysa wax-ku-oolnimada iyo hufnaanta howlaha gurmadka ee ay fuliyaan hay’adaha dawladda iyo bahwadaagta samafalka.