Wafti uu hogaaminayo gudoomiyaha Hay’adda Udiyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Mudane Faysal Cali Sh. Maxamed oo Safar shaqo ku jooga wadanka Kenya Caasimadiisa Nairobi .

Wafti uu hogaaminayo gudoomiyaha Hay’adda Udiyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Mudane Faysal Cali Sh. Maxamed oo Safar shaqo ku jooga wadanka Kenya Caasimadiisa Nairobi ayaa kulamo la yeeshay deeq bixiyaaasha ay ka midka yihiin SIDA (Government of Sweden) iyo FCDO(UK government) iyo waliba Madaxda geeska Africa ee Hay’adda. Waftigu waxay kala hadleen deeq bixiyayaasha iyo Hay’add WFP madaxdeeda geeska Africa sidii looga qayb qaadan lahaa gargaarka bulshadda Abaartu Saamaysay ee Jamhuuriyadda Somaliland, la isagana kaashan lahaa bulshada Aabaartu ku habsatay. Dhamaan dhinacyadda ka soo qayb galay kulamadaasina waxay balan qaadeen wax ka qabashada Abaarta wadanka ka taagan iyagoo kaashan doona Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland Waxay kaloo waftigu kulan la qaateen Madax xafiiska Hay’adda ICPAC,( Hay’adda IGAD u qaabilsan saadaaasha cimilada iyo Aafooyinka kala duwan). Waxa kulan kaasi ku saabsanaa sidii xogta cimiladda ICPAC iyo NADFOR u wadaagi lahaayeen ugana wada shaqayn lahaayeen Arimaha Saadaasha Aafooyinka kala duwan ee ka dhaca Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankaasina wuxuu ku soo dhamaaday guul iyo is Afgarad