WAR BIXIN KU SAABSAN SAHAMINTA XAALADDA ABAAREED EE DALKA

Kormeero  ka Socda Hay’adda Udiyaargarawga Aafada iyo Kaydka Raashinka Qaran ee NADFOR”  ayaa Sahan Abaareed ugu  baxay  dhammaan gobollada dalka ,  maalinimadii khamiiseed  ee 25kii Octoober  ,hawlgalkaas oo qaatay 14maalmood ah,waxa la  soo gabagabeeyay   9kii Bisha Noofamber  ee 2021ka.

 

Kooxdii koowaad waxay u baxday oo soo sahamiyeen inta  badan Waaxyaha Ilaha dhaqan-dhaqaalle ee Bar iyo Beeralayda, iyo Xoola-dhaqatada ee Hoos yimaad Gobollada Galbeedka  sida Saahil,Maroodijeex iyo Gobolka Awdal,halka Kooxdii 2aadna  ay sahankoodii ku mareen   dhul ballaaran ama deegaanno badan oo hoos yimaad Gobollada Bariga (  sida Togdheer,Sool iyo Sanaag).

Guud ahaanba Kormeerkii  Hay’adda NADFOOR u dirta Sahaminta Gobolladu waxay soo ogaadeen  in Roobkii Deyrta ee 2021ku uu ahaa mid seel seel ah, celcelis ahaana hooseeyay  ,muddaduu da’ayayna koobnayd . Waxay ku soo warbixiyeen Isku duwayaasha Gobollada ee Hay’adda NADFOOR,in Roobkii Deyrta ee sanadkani kaliya da’ay tobbonkii maalmood ee u horreeyay Bishii Oktoober 2021,qaybo badan oo Gobollada bariga ahna kama di’in.

 

Meelo badan oo hoos yimaad Gobollada Bariga( sool,sanaag iyo Togdheer)  hadda waxa  ka jira xaalad baad iyo biyo yari ah . Sidaa awgeed Dadka xoolo dhaqatada  ee deegaanadaasi,iyagoo raadinaaya baad iyo biyo ,waxay u kala guurguurayaan Degmooyinka iyo Gobollada dalka soomaalilaand kaliya.

Kooxaha Sahaminta Xaaladda Abaarta ee Hay’addan NADFOOR,waxay  ku qiyaaseen  guud ahaan dadka Abaartu  toos  u saamaysay  in ay yihiin tiro dhan ilaa  700,000  oo Qof ,una dhigma tiro dhan 116,000  oo Qoys, kuwaas oo  ku nool  dhammaan lixda Gobol  ee waaweyn ee Jamhuuriyadda   soomaalilaand.

Dadka Abaartu saamaysay waxay ugu kala sugan yihiin Gobollad sida ku xusan shaxankan soo socda.