Waxa Xarunta Guud ee Hay'adda NADFOR isugu imid Gudida Abaaraha Heer Qaran

Waxa Salaasaddii( 23 March, 2021); ka Qabsoomey Xafiiska Hay’adda NADFOR shir aan Caadi ahayn oo ay Iskugu Yimaadeen Gudidda Abaaraha Heer Qaran oo ay ka mid yihiin Wasiiradda Wasaaradaha Biyaha, Arimaha Gudaha, Diinta iyo Aw-Qaafta, Ciyaaraha iyo Gudoomiyaha iyo GUduoomiye Xigeenka Hay’adda U Diyaar garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka( NADFOR). Waxa kale oo Kulankaas kasoo Qayb Galey Hay’addaha Qaramada Midoobey, Kuwa Caalamiga ah, iyo Kuwa Maxaliga ah kuwaas oo Qaab Maqal ah kaga Qayb Galey( Virtual).
Shirka waxa uu Daarnaa Sidaa La isksu Dhaafsan lahaa Xogaha Xaaladda Abaareed, Gurmadka ay Dawladu Samaysay, Goobaha aan Wali La gaadhin, iyo Sidii La iskaga kaashan Dawlad ahaan iyo Hay’addaha Binu-aadamtinimadda sidii loogu Gurman lahaa Dadka ay Abaaruhu Saameeyeen.

© NADFOR
    2021