Kulanka oo socday mudo laba cisho oo ay soo qaban qaabisay hayada NADFOR, ayaa ahaa mid lagu gorfaynayey sidii wax ka badal iyo kaabis loogu sameyn lahaa xeerka Hay'adda Udiyaaar garawga Aafooyinka.

Kulanka oo socday mudo laba cisho oo ay soo qaban qaabisay hayada NADFOR, ayaa ahaa mid lagu gorfaynayey sidii wax ka badal iyo kaabis loogu sameyn lahaa xeerka Hay'adda Udiyaaar garawga Aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka.
 
Kulanka waxaa ka qayb qaatay, Hay'addaha dawliga iyo kuwa caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin NADFOR.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadley Faysal Ali sheekh Maxamed gudoomiyaha Hay'adda NADFOR oo kulankaasi furay waxaanu ka waramey ahmiyada uu leeyahay xeerka Hay'addu.

Garyaqaanka guud Jsl ayaa isna ka hadley muhiimada ay leedahay in laga wada shaqeeyo sidii loo dhaqan galin lahaa xeerkaasi isla markaan waxa ka bedal loogu sameyn lahaa si loogaadhsiiyo golaayasha sharci dajinta.