Haayadda U Diyaargarawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka oo degmadda Caynaba ka Qaybisay Deeq Raashin oo Ka Timatay Boqortooyadda Sucuudi Carabiya

01.March.2026- Caynaba, Sool – Haayadda U Diyaargarawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah uga qaybisay degmadda Caynaba deeq raashin ah oo ka timid Boqortooyadda Sucuudi Carabiya, taasoo loogu talagalay in lagu taageero qoysaska danyarta ah ee gobolka.

Deeqda raashinka ayaa ka mid ah qorshayaasha Haayadda U Diyaargarawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka ee lagu xoojinayo u gargaarista muwaadiniinta ay saamayeen aabaraha ka jira dalka gaar ahaana xiligan bisha ramadan lagu gudo jiro. 

Guud ahaan, 900 qoys ayaa ka faa’iidaystay deeqdan, iyada oo 600 qoys oo ka mid ah loo qaybiyey kaamamka Caynaba. Deeqda raashinka waxaa si rasmi ah u daahfuray Badhasaabka gobolka Saraar iyo Maayirka degmadda Caynaba, iyaga oo ku boorriyay bulshada in ay ka faa’iideystaan fursaddan bini’aadantinimo.

Haayadda nadfor masuuliyiintii ka socday  waxay sheegeen  in deeqdan ay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee lagu taageerayo qoysaska nugul, gaar ahaan  dadka ay saameeyaysay abaarta iyo xaaladaha nololeed ee  adag. 

Boqortooyadda Sucuudi Carabiya ayaa sidoo kale lagu amaanay taageeradeeda bani’aadantinimo, taasoo horseed u noqotay in raashin iyo gargaar degdeg ah la gaadhsiiyo dadka baahan ee gobolka sool/saraar ku dhaqan.