Guddida gurmadka abaaraha ee heer qaran ayaa ka bilabay wejigii 3aad qaybinta raashinka gobolka sanaag iyo kashanaysa hayada NADFOR.

Guddida Heer Qaran Ee Abaaraha oo ay Weheliyaaan Guddida Nabad Gelyada Gobolka Sanaag  Oo uu ugu Horeeyo  Badhasaabka Gobolka sanaag, Maayerka Degmada Ceerigaabo & Wasiirka Caafimaadka & isku duwaha Hayadda Udiyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka ee gobalka Sanaag ayaa si wada jir ah u shaaciyey qaybinta raashinka Gurmadka Abaaraha oo dhan 4500 oo  Qoys Loo Qaybin doono raashin ay Guddidada  Abaaruhu ugu tala galeen  in Loo Qaybiyo Dadka Abaartu saamaysay ee Gobolada Sanaag & Badhan.