Guddida Abaaraha ee Heer Qaran oo Ka hadlay xaaladda Abaareed ee dalka ka jirta, farriina u diray hay’yadaha caalamiga.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida Gurmadka Abaaraha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa  maanta kulan ay ku wehelinayaan xubnaha guddidu la qaatay madax ka socotay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Bani’aadamnimada ee OCHA.

Kulankan oo hordhac u ah kulan ballaadhan oo ay Toddobaadka soo socda guddida gurmadka abaaruhu la yeelan doonaan dhammaanba madaxda hay’adaha madaxa bannaan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka hawlgala, ayaa la iskaga xogwaraystay sidii qorshe nidaamsan loogu samayn lahaa hawlaha gurmadka ah ee loo fidinayo dadka ku tabaaloobay abaaraha ka jira Somaliland.

   ©️ NADFOR
        2022