Dawlada Imaaraadka Carabta ayaa deeq raashin ah soo Gaadhsiisay dawlada Jamhuuriyadda JSL, deeqdaasi oo ay ka guddoomiyeen Xubno ka mid ah

Dawlada Imaaraadka Carabta ayaa deeq raashin ah soo Gaadhsiisay dawlada Jamhuuriyadda JSL, deeqdaasi oo ay ka guddoomiyeen Xubno ka mid ah

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Md Faysal Jaamac ayaa u mahadceliyey dawladda Imaaraadka,isagoo sheegay inay dawladda Imaaraadku ka jawaabtay baaqii ay u dirtay xukumadda Somaliland ee ku saabsanaa Abaaraha ka jira Somaliland.

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda gargaarka iyo gurmadka hay’adda u diyaar garowga iyo Kaydka Raashinka Qaranka Md Mustafe Cabdillaahi Xaashi oo sheegay in Iskaashi wanaagsan ka dhexeeyo Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Imaaraadka Carabta.
 
Maareeyaha hay’adda duulista JSL Md Cumar-Sayid  ayaa ka waramay xidhiidhka qotoda dheer ee dawladda Imaaraadka Carabta iyo dawladda JSL, waxaanu sheegay in iskaashigaasi yahay mid midho dhal ah.

Dhinaciisana, Safiirka dawladda Imaaraadka u fadhiya Somaliland Cabdalle Naqdi ayaa sheegay in deeqdani tahay hordhac balse ay soo gaadhsiin doonaan deeqo kale oo dawladda Imaaraadku ugu talo gashay dawladda Somaliland.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaada ahna xubin ka mid ah guddiga Abaaraha ee heer Qaran Md Xasan Maxamed Gaafaadhi ayaa sheegay in dawladda Imaaraadku tahay dawladdii ugu horeysay ee ka soo jawaabtay baaqii xukuumadda Somaliland dirtay ee ku saabsanaa gurmadka abaaraha ka jira dalka

  ©️ NADFOR
         2022